This job listing has expired and may no longer be relevant!
17 Jun 2017

Madaxa Warbixinada,Teknoolagiyada iyo isku xirka ( ICT Officer )

Job Description

Hordhac
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waa mid kamid ah
hey’adaha dastuurkiga ah ee qaranka Iyadoo la raacayo qodobada dastuuriga ee ku
xusan dastuurka sida ku meelgaarka loo ansixiyay 2012 gaar ahaan qodobka 49 iyo
111 xarafkiisa E.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waa guddi ay soo ansixiyeen
GolahaWasiiradda ee xukuumada Federaalka Soomaaliya 07May2015
waxaana cod
kalsooni ah ku ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 6july2015.
Guddiga qaranka ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya waa Guddi ka kooban 9
xubnood lehna hawlwadeeno shaqada ku caawiya oo ay ka midyihiin
lataliyaal,khuburo iyo hawlwadeeno xafiis oo ka shaqeeya dhamaan Dawladgoboleedyada
dalka kana hirgaliya hawlo wacyigalineed oo ku aadan hannaanka
Federaalka iyo waliba xog uruurin la xiriirta arimaha Soohdimaha gobolada iyo
degmooyinka.
Si loo beegsado ahdaafta Guddiga ee mustaqbalka dhaw waa in uu Guddigu helaa
khuburo dhinaca teknooligiyada iyadoo la adeegsanayo hababka casriga ah ee xogaha
lagula wadaago bulshada.
Madaxa Warbixinada,Teknoolagiyada ( ICT Officer )
Waajibaadka Xafiiska ICT;
o Hoggaaminta qaybaha kala duwan ee xafiiska ICT iyo casriyaynta qaabka
wadashaqeeneed ee xafiisyada Guddiga guud.
o Maaraynta iyo isku dubbaridka,
kombiyuutarrada (computers),
aaladaha(softwares,antiviruses,)
iyo sidoo kale website Guddiga iyo dhamaan
baraha xiriirka Guddiga iyo dadweynaha.
o Hub sashada iyo dabagalka
warbixinada dadwaynaha lala wadaago.
o Samaynta baraha xiriirka Guddiga sida emails ka
o Kasoo dhalaalista wadashaqaynta guud ee dhamaan waaxaha Guddiga
o Samaynta database ay ku kaydsan yahiin dhamaan Xogaha Guddiga iyo qaab
dhismeedka waaxaha Guddiga
o La socodka adeegyada tiknoolagiyeed ee lagu hormarinkaro hawlaha Guddiga
Shuruudaha looga baahanyahay
􀀀 Inuu yahay Soomaali.
􀀀 In dhimirkiisu taamyahay.
􀀀 In aan danbi maxkamad xukuntey galin
􀀀 Ugu yaraan waa in uu haystaa shahaadada 1aad ee jaamacada (bachelor
degree) oo la xiriirta IT ama Computer Science iyo wixii la xiriira.
􀀀 Inuu lee yahay ugu yeraan 3 sano oo khibrad shaqo ah oo la xiriirta howlaha
IT,Maamulka iyo Maaraynta .
􀀀 In uu ku hadli karo islamarkaana qori karo ugu yeraan luuqadaha
Soomaaliga, iyo Ingiiriska
􀀀 In uu ku shaqayn karo dhamaan Shuruucda iyo Mabaa’dida u yaalla Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

How to Apply

Fadlan CV,Cover letter ku soo dir gsecretarybfc@gmail.com/ bfc.commission@gmail.com

Apply for this Job

error: Comeback tomorrow